Rasaas laga maqlay Baraawe

AMISOM Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Ciidammada AMISOM ayaa qabsaday Baraawe

Goobjoogayaal ayaa BBC u sheegay in rasaas culus aroortii hore ee Isniinta laga maqlayay magaalada Baraawe, maalin kaddib markii ay halkaas gaareen ciidammada dowladda iyo kuwa AMISOM.

Magaalada aya la sheegayaa in haatan ay deggan tahay, oo noolosha ay caadi ku soo noqotay.

Madaxda dowladda Soomaaliya iyo AMISOM ee gaaray magaalada ayaa la sheegayaa inay meel fagaaro ah kula hadleen dadweynaha.

Ururka Al-Shabaab ayaa ka baxay magaalada dhowr maalmood ka hor, kaddib markii ay ku soo dhawaadeen ciidammada AMISOM.

Al-Shabaab ayaa laga saaray inta badan magaalooyinka waaweyn, balse waxay weli ka taliyaan dhul ballaaran oo ku yaalla bartamaha iyo bariga Afrika.