Natiijada doorashada Brazil oo la shaaciyay

Lahaanshaha sawirka AP
Image caption Tartanka doorashada waxa haatan ka hartay wasiirkii hore ee deegaanka Marina Silva.

Madaxweynaha dalka Brazil Dilma Rousseff ayaa ku guuleysatay inta badan doorashadii dhacday maalintii axadda ahayd balse si ay u gaarto guul kama dambeys ah, waa in ka qayb qaadato wareeg labaad oo doorasho ah.

Madaxweyne Dilma ayaa wareeggani labaad ee doorashada waxa ay tartan adag la geli doontaa musharaxa xisbiga midigta-dhexe ee Aecio Neves.

Ms Rousseff oo markii labaad u tartameysa xilkani ayaa waxa ay heshay boqolkiiba 41 codadkii la dhiibtay, halka Mr Neves uu helay 34 cod.

Wasiirkii hore ee deegaanka Marina Silva ayaa heshay 31 codadkii la dhiibtay.