Kenyatta: Waan tegi doonaa maxkamadda ICC

Kenyatta Lahaanshaha sawirka Getty
Image caption Uhuru Kenyatta ayaa ku dhawaaqey inuu xaadiri doono dacwadda ICC ee The Hague

Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa sheegay in uu tegi doono maxkamadda dambiyada adduunka, kaddib markii garsoorayaasha ay ka codsadeen inuu hor yimaada.

Waxaa laga doonayaa inuu hortego maxkamadda 8 October, oo ah Arbacada nagu soo aaddan.

Uhru Kenyayya ayaa loo haystaa dacwad ah inuu ku lug lahaa qalalaasihii Kenya ka dhacay ee xigay doorashoyinkii 2007-da.

Balse madaxweyne Uhuru waa uu beeniyay dhamaan eedeymaha loo soo jeediyay.

Waxaa uu sheegay inuu xilka madaxweynaha ku wareejin doono ku xigeenkiisa, William Ruto, muddada uu ku maqan yahay maxkamadda.