Saddex askari oo lagu dilay Muqdisho

Lahaanshaha sawirka
Image caption Magaalada Baraawe ayaa waxaa hadda gacanta ku haya ciidamada Soomaaliya iyo Amisom

Saddex askari oo ka tirsan ciidamada Soomaaliya ayaa lagu dilay weerar si gaadmo ah loogu qaaday magaalada Muqdisho xeebta Jasiira agteeda. Alshabaab ayaa sheegtay inay qaaday weerarka.

Midowga Afrika iyo ciidamada Soomaaliya ayaa qabsaday magaalada istaraatijiyada ah ee Baraawe. Alshabaab ayaa haysatay magaalada lix sano. Midowga Afrika ayaa lagu soo waramayaa inay ku sii socdaan magaalooyinka u dhow Kismaayo inay ka qabsadaan Alshabaab.

Midowga Afrika iyo Ciidamada Soomaaliya ayaa bilaabay hawlgal milatari bishii September, si ay Al-shabaab uga saarayaan meelaha ay ka joogaan koonfurta Soomaaliya.