Dagaal ka socda dekedda Muqdisho

Laba askari, ayaa lagu soo waramayaa in ay ku dhinteen Dagaal ciidamo ka wada tirsan dowladda ku dhexmaray iridka dekedda magaaladda Muqdisho.

Rasaas xoog leh oo u muuqata in ay laba dhinac is waydaarsanayaan ayaa dhacaysa. Lama hubo ilaa hadda cidda uu dagaalka u dhaxeeyo.

Wararka ayaa sheegaya in uu dagaalku u dhaxeeyo ciidamo ka wada tirsan dowladda.

Askari ka tirsan booliiska oo ciidamada nabadsugiddu toogteen ayuu dagaalku ka bilowday, intii uu dagaalku socday hal qof oo kale ayaa la xaqiijiyay in uu ku dhintay dagaalka.