Erdogan: “Duqeyn kaliya laguma jabin karo IS”

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption magaalada Kobane oo dhinac ka gubanayso

Madaxweynaha Turkey-ga, Recep Tayyib Erdogan, ayaa ka digay in magaalada Kobane ee dalka Suuriya ee ku taalla xudduuda Turkiga ay qarka u saaran tahay inay gacanta u gasho dagaalyahanada kooxda Dowladda Islaamiga, magaaladaasi oo todobaadyo go'doonsanayd.

Isbahaysiga uu horkacayo Mareykanka, ayaa ku qaaday ugu yaraan shan duqeyn oo dhanka cirka ah goobo u dhaw dhaw magaalada oo ay gacanta ku hayaan dagaalyahanada Dowladda Islaamiga ah, weerraradaasi oo waxyeelo gaarsiiyay ama burburiyay dhowr baabuur oo kuwa dagaalka ah.

Hasayeeshee madaxweyne Erdogan, ayaa sheegay in duqeymaha cirka ah oo kaliya aanan lagu jabin karin kooxda IS.

Dhanka kale dibadbaxayaal Kurdiyiin ah ayaa dalbanayay tallaaba xooggan oo caalami ah oo lagu badbaadinayo magaalada Kobane.

Waddanka Turkiga, dibadbaxayaal ayaa xalay waxa ay isku dhaceen booliska dhowr magaalo oo dalkaasi ka tirsan, dadkaasina waxa ay dalbanayeen in dowladda Turkiga ay gacan siiso xooggaga Kurdiyiinta ah ee la dagaalamayo kooxda IS.

Kooxo kale oo Kurdiyiin ah oo dibadbaxayay ayaa xoog ku galay Baarlamanka Yurub ee magaalada Brussels, iyagoo dalbanaya tallaabo xooggan oo caalami ah.

Sidoo kale waxa ay dibadbaxyo ka jiraan garoonka ugu weyn Britain, ee Heathrow.