EU oo ka hortageysa jihaad doonka

Wasiirada arrimaha gudaha Midowga Yurub oo ku kulmaya Luxembourge ayaa ka hadlaya sidii loo joojin lahaa inay weeraro ka geystaan dalalkooda kuwa ka barbar dagaalamay kooxaha mintidiinta ee Suuriya iyo Ciraaq.

Kulankaasi oo qodobo badan looga hadlayo ayaa waxaa ka mid ah, in la sameeyo barnaamij xog ururineed (Database) sheegaya dadka jihaad doonka ee la yaqaan. Tani ayaa ah mid ay horay u diideen baarlamaanka Yurub oo ku dooday in lala socdo malaayiiin rakaab ah ay xadgudub ku tahay xuquuqdooda.

Wasiirada ayaa la kulmaya shirkadaha Teknolojiyada fadhigoodu yahay Mareykanka kuwa ugu waaweyn oo ay ka mid yihiin Google, Facebook iyo Tiwtter-ka, fiidka hore arbacada si ay ugala hadlaan hababka loo joojin karo xagjirnimada iyadoo loo adeegsanayo warbaahinta bulshada qalab shaqaaleyn.

Bishii hore ayuu isku xiraha arrimaha argagixisada Midowga Yurub, Gilles De Kerchove, sheegay in ka badan sadax kun uu Yurubiyan ah ay aadeen Siiriya iyo Ciraaq si ay u taageeran dagaalyahaniinta IS.