Uhuru Kenyatta oo Nairobi ku laabtay

Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa wax yar ka hor ka so degay gegida diyaaradaha Nairobi, maalin kaddib markii uu noqday madaxweynihii ugu horreyey ee hortaga maxkamadda dambiyada adduunka.

Boqolaal taageerayaashiisa ah ayaa ku soo dhaweeyay garoonka, kumanaan kalena waxay ku sugan yihiin qaar ka mid ah wadooyiinka waaweyn ee Nairobi.

Maxkamadda ayaa sheegtay inay go'aan ka gaari doonto in dacwadda ka dhanka ah Kenyatta daaqadda laga tuuri doono iyo in kale.

Qareennada u doodaya Kenyatta ayaa ka codsaday garsoorayaasha inay dacwadda meesha ka saaraan maadaamma dacwad oogaha aysan hayn caddeyn ku filan.

Balse xafiiska dacwad oogaha ayaa ku dooday in dowladda Kenya ay diidday inay ku soo wareejiso caddeymo ka dhan ah Kenyatta, waxayna doonayaan in waqtiga loogu daro.

Uhuru Kenyatta iyo kuxigeenkiisa, William Ruto, ayaa loo haystaa dambiyo ka dhan ah aadanaha oo la sheegay in la gaystay xilligi ay socdeen qalalaasihii xigay doorashadii 2007-da.

Kenyatta iyo Ruto labaduba way beeniyeen eedeymaha loo soo jeediyay.

Image caption Uhuru Kenyatta waxaa soo dhaqeeyay ku xigeenkiisa William Ruto
Image caption Mr Kenyatta ayaa la hadlay dadkii soo dhaweynaayay
Image caption Dad aad u badan ayaa u taagnaa hareeraha jidadka
Image caption Dadka ayaa heeso u qaadayay, waxayna siteen boorar uu ku sawiran yahay
Image caption Mr Kenyatta ayaa ICC ay u yertay, labo maalin ayuuna dalkiisa ka maqnaa
Image caption Amniga ayaa aad loo adkeeyay, hareeraha jidadkana waxaa taagnaa ciidan