Malala oo ku guuleysatay abaal marinta Nobel

Malala
Image caption Abaal marinta Nobel ee nabadda ee sanadkan waxaa wadaagay labo qof oo u ololeeya xuquuqda carruurta

Abaalmarinta Nobel ee nabadda ee sanadkan ayaa la siiyay Malala Yousafzai, oo ah gabar 16 sano jir ah, oo u ololeysa waxbarashada gabdhaha.

Malala ayaa waxaa horey u toogtay ururka Taliban, ee dalka Pakistan, iyadoo sababtuna ay ahayd inay u ololeynaysay waxbarashada gabdhaha.

Waxaa abaal marintan la wadaagay Kaylash Satyarthi, oo u dhashay dalka Hindiya, oo ka soo horjeeda carruurta la adoonsado ee lagu shaqeysto.

Guddiga abaal marinta bixiyay ayaa sheegay inay muhim tahay in labo qof oo Muslim iyo Hindi kala ah oo u kala dhashay dalalka Hindiya iyo Pakistan ay ku guulaysteen abaal marintan.