Wasiirada Falastiin oo Gaza ku shiraya

Image caption Dowladdani wadaagga ah ayaa la dhisay kaddib heshiis dhex maray garabyada Falastiyiniinta.

Golaha wasiirada dowladda wadaagga ah ee mamaulka Falastiyiniinta ayaa kulankii ugu horreeyay maanta ku yeelanaya Gaza.

Wasiirada ayaa waxa ay ka tagayaan magaalada Ramallah oo caadiyan fariisin u ah.

Afhayeen u hadlay Falastiyiniinta ayaa sheegay in kulankan uu calaamad u yahay taageerada shir deeq bixiyayaasha ay ku qabanayaan dalka Masar.

Magaalada Qaza waxa uu dhaawac weyn oo burbur ah ka soo gaaray dagaalkii Isra'iil iyo Xamaas u dhaxeeyay ee dhacay bilihii July iyo Augast ee sanadkan.

Dowlada Falastiina waxay codsanaysaa lacag gaaraysa afar bilyan oo dolar oo dib loogu dhisayo Qaza.

Golahan cusub ee wasiirada dowlada wadaagga ah waxaa la dhisay bishii April ee sanadkan kaddib markii ay heshiiyeen Xamaas iyo Fatax.