Soomaaliya oo xirtay 9 safaaradood

Sagaal ka mid ah safaaradaha Soomaaliya ay ku leedahay dibadda oo la xiray.

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Bayle ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya aysan awoodin in safaaradahaasi sii furnaadaan. Wariyayaasha ayaa sheegaya in qaar ka mid ah safaaradaha oo furnaa in ka badan labaatan sano, intii lagu jiray dagaalka sokeeye ay wadeen dad iska dhigayay inay yihiin safiiro.

Dowlada Soomaaliya oo awoodda dalka la wareegtay labo sano ka hor ayaa ah tii ugu horeysay oo si sax ah u aqoonsadaan Mareykanka, Britain iyo dalal kale ilaa markii ay dhacay xukuumadii madaxweyne Siyaad Bare sanadkii 1991kii.