La dagaalanka Daacish oo Turkiga looga shiraya

Image caption Madaxweynaha Turkiga ayaa dhawaan sheegay in qudeymo kaliya aan looga adkaan karin daacish.

Saraakiil ka socota Mareykanka iyo gaashaanbuurta NATO ayaa ku kulmaya dalka Turkiga si ay uga wadahadlaan doorka uu Turkiga ka qaadan karo dagaalka ka dhanka ah kooxda khilaafada islaamiga ee dalka deriska ah ee Suuriya.

Mas’uuliyiinta Turkiga ayaa la kulmaya xoghayaha guud ee NATO, Jens Stoltenberg iyo ergo ka kooban laba xubnood oo ka socota mareykanka kuwaasi oo kala ah John Allen oo horey u ahaan jiray janan iyo diblumaasi sare oo lagu magacaabo Brett McGurk.

Mareykanka ayaa ka walaacsan Turkiga oo ka cagajiidaya in uu door muhiim ah ka qaato xulufada uu mareykanka homuudka ka yahay ee dagaalka kula jirta kooxda Daacish.

Hoggaamiyeyaasha Turkiga ayaa ku doodaya in duqeymo oo kaliya aan looga adkaan karin kooxdani isla markaana loo baahan yahay hawlgal dhanka dhulka ah.