Qof is qarxiyay Yemen oo keenay dhimasho

Ruux isku soo xiray bam caasimadda Yemen ee sanca ayaa dilay ugu yaraan 40 qof oo ay ku jiraan caruur, wuxuuna dhaawacay tiro kale.

Qofkaas oo xirnaa suun ay ku xirnaayeen walxaha qarxa ayaa isku qarxiyay bar ay joogeen ilaalo ammaanka oo ku taal fagaaraha Tahrir ee bartamaha magaalada Sanca kaasi oo ay ilaaliyaan maleeshiyaadka Shiicada ee loo yaqaano Xuutida.

Tv-ga Xuutida ayaa sheegay in weerarka uu yimid wax yar ka hor intii ay taageerayaashoodu ku qaban dibadbax halkaasi. Tani ayaa ku soo beegantay rabshado siyaasadeed oo ay kiciyeen markii ay Xuutiyiinta qabsadeen qeybo badan oo ka mid ah magaalada Sanca. Mucaaradka ayaa diiday Axmad Cawad Bin Mubaarak oo uu madaxweyne Cabdurubux Mansuur u magacaabay ra'iisul wasaare kaasi oo haatan lagala noqday jagadaasi.