Malala oo la siiyey Nobel Peace Priz

Lahaanshaha sawirka Reuters

Abaalgudka caalamiga ah ee nabadda ee Nobel Peace Prize ee sandakan waxa si wadajir ah ugu guuleystay Malala Yousafzai, gabadha u dhalatay dalka Pakistan ee u ololeysa waxbarashada gabdhaha iyo Kailash Satyarthi oo u ololeysa xaquuqda caruurta lagu shaqeysto.

Malala oo 17 jir ah waa qofkii ugu d'a yaraa ee abaalgudkan la guddoonsiiyo.

Taalibaan ayaa madaxa ka toogtay sanadii 2012-ka iyadoo u ololeyneysay waxbarsahada gabdhaha.

Guddiga abaalgudkan bixiyey waxa uu sheegay in gabdhahan ay ku muteysteen abaaulgudkan ''halganka ay u galeen la dagaalanka cabburinta caruurta iyo dadka d'ada yar''