Boko Xaraam oo La haystayaal sii deysay

Image caption Kooxda Boko Xaraam ayaa siideysay dad ay afduubteen

Madaxweynaha dalka Cameroon ayaa sheegay in 27 la haystayaal ah oo ay ku jireen dad Shiine u dhashay ay siidaayeen kooxda Boko Xaraam.

Dadka Shiinaha u dhashay ayaa la qabsaday bishii May, xilligaas oo la weeraray shirkad ka shaqeyneysay Xuduudda Nigeria.

La haystayaasha kale ee la siidaayay waxaa ka mid ahayd xaaska ra’iisul wasaare ku xigeenka Cameroon oo la afduubtay bishii July ee sanadkan.

Lama ogi in madax furasho la bixiyay in in kale. Boko Xaraam ayaa dhowaanahay ballaarisay weerarada Nigeria oo ay gaarsiiyeen illaa Waqooyiga-Galbeed ee Cameroon.