Mareykanka oo iska ilaalinaya Ebola

Image caption Garoonka New York oo dadka ay sugayaan in laga baaro Ebola

Tallaabooyin hor leh oo lagu baarayo dadka galaya dalka Mareykanka ayaa la dahqangalinayaa maanta si dalkaasi uu uga hortaga in cudurka Ebola uu ku faafo.

Rakaabka ka degaya magaalada New York ee ka imaanaya dalalka galbeedka Africa ee Gini, Seraliyoon iyo Liberia ayaa laga cabari doona heerkulkooda si looga ogaada in ay qaban calamaadaha Ebola.

Barnaamijka ayaa lagu fidin doonaa garoomada kale ee dalka in kastoo khubarada caafimaadka ayaa su’aalo iska weydinaya waxtarka tallaabdan.

Dhinaca dalka Morocco ayaa sheegtay in ay doonayso inay dib u dhigto ciyaarata koobka qaramda Afrika oo sanadka soosocdo lagu waday in dalkaasi lagu qabto, walaaca laga qabo cudurkan.

In kabadan 4,000 oo qof ayaa illaa iyo hadda u dhimtay cudurka Ebola.

Qaramada Midoobey waxa ay sheegtay in laga yaabo in cudurkan uu uu sii socdo haddii aan dal kasta oo caalamka uusan sameeynin tallaabo lagula dagaalamayo Ebola.