Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Weriyayaal muqdisho ku xiran laba bil ku dhowaad

Ku dhowaad laba bilood waxaa xabsi ku yaalla magaalada Muqdisho ku xiran weriyayaal ka shaqeynaayay idaacadihii la xiray ee Shabelle iyo Sky.

Weriyayaasha waxaa xiray wasaaradda ammniga ee Soomaaliya, waxaana dadka xiran ka mid ah milkiilihii idaacadda Shabelle.

Weli maxkamad lama soo taagin Labada bile e ay xiran yihiin.

Lix qareen ayaa u doodaya weriyayaashan, waxayna dalbanayaan in la soo taago maxkamadda ama la siidaayo.

Abukate Cali Xalane oo ka mid ah qareenadaasi ayaa u warramay Axmed Xaji Xasan.