Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Nin dukaan ka dhigtay gaarigiisa

Nin dib uga soo noqday qurbaha ayaa gaarigiisa dukaan ka dhigtay, Jidadka magaalada Hargeysa ayuuna ku iibiya subaga Qubada, subaga Gorayada iyo kan Yaxaaska, iyo weliba malabka. Axmed Saciid Cige ayaa ninkaasi oo magaciisu yahay Farxaan Malable kula kulmay bartamaha Hargeysa, wuxuuna wareystay isaga iyo dadkii uu wax ka iibinayay qaarkood.