Shirka dib u dhiska Qaza

Lahaanshaha sawirka Getty
Image caption Israel ayaa burburisay kaabayaashii dhaqaalaha ee Qaza.

Shir dib loogu dhisayo Qaza oo ka socda Qaahira, ayaa hogaamiyayaasha Masar iyo Falastiiniyiinta ay sheegeen inay tahay waqtigii Israel ay joojin lahayd colaada ay ku hayso Falastiiniyiinta.

Madaxweyynaha Masar Abdul Fatah al Sisi, ayaa sheegay in dib u dhiska Qaza kadib dagaalkii Israel ay ku qaaday July ay ku xiran tahay nabad joogto ah oo ka dhacxaysa Israel iyo Xamaas oo maamusha Qaza.

Madaxweynaha Falastiiniyiinta Maxamuud Cabaas, ayaa sheegay in xaalada dadkiisa ay ku jiraan ay tahay mid daacad daro taariikhi iyo gumaysigi ugu mudada dheeraa waqtigan casriga ah.

Dowladda Falastiiniyiinta ayaa doonaysa afar bilyan oo dollar dib u dhiska Qaza. Shirka ayaa waxaa ka soo qaybgalaya in kabadan konton waddan.

Israel ayaa burburisay kaabayaashii dhaqaalaha ee Qaza, iyadoo meelaha qaar ay ay u egyihiin in dhulgariir uu ka dhacay