5.4 Bilyan oo doolar oo loo yaboohay Qaza

Lahaanshaha sawirka Reuters

Shirka caalamiga ah ee dib u dhiska Qaza ayaa waxa looga yaboohay lacag dhan 5.4 bilyan oo doolar.

Shirkaas oo ka dhacay magaalada Qaahir ee dalka Masar waxa ka qeyb galay in ka badan 50 waddan.

Waxaa looga wada hadlayey sidii dib loogu dhisi lahaa kaabayaasha dhaqaalaha ee Marinka Qaza ee ku burburay dagaalka ay Israa’il ku qaaday Qaza.

Lacagta la yaboohay waxay ka badantahay afartii bilyan ee uu codsaday maamulka Falastiin.

Ugu yaraan 100,000 oo shacabka kunool Qaza ayaa ku gurya beelay duqeyntii Israa’iil ee socotay ku dhowaad labada bilood.