India oo laga baqayo Duufaan xooggan

Lahaanshaha sawirka AFP

Ku dhowaad nus milyuun qof ayaa laga daadgureynayaa xeebaha bari ee dalka India, halkaas oo la filayo in axada ay ku dhufato duufaan xooggan.

Sarakiisha u qaabilsan hawada ayaa ku tilmaamay duufaantan oo loo baxshay Hudhud ay tahay mid aad u daran oo dabayluhu ay jaraan boqol iyo sagaashan iyo shan kiloomiitar saacadiiba.

Xarumo gargaar ayaa waxa laga sameeyey goboladda Andhra Pradesh iyo Odisha.