13 qof oo ku dhintay qaraxa Muqdisho

Lahaanshaha sawirka
Image caption Muqdisho ayaa dadka ay dib u dhis badan ku samaynayaan.

Ugu yaraan 13 ayaa ku dhintay caasimada Soomaaliya ee Muqdisho, kaddib qarax baabuur loo adeegsaday oo ka dhacay dibeda hore maqaayad ku taala bartamaha caasimada.

Maqaayada oo la yiraahdo Oromo café ayaa waxaa inta badan siyaasiiyiinta iyo shacabka.

Waxay maqaayadu u jirtaa shan boqol oo miitar dhismaha Baarlamaanka.

Wararka ayaa sheegaya in 18 qof oo kale ay ku dhaawacmeen qaraxa. Hay'adaha ammaanka ayaa sheegay in ay rumaysanyihiin in kooxda Shabaab ay fulisay qaraxan.

Kooxdan ayaa waxaa laga saaray caasimada 2011-kii, waxayna kaddib fulisay weeraro badan.