Shaqo joojinta caafimaadka Liberia

Image caption Shaqaalaha caafimaadka ee Liberia.

Kalkaaliyayaasha iyo shaqaalaha caafimaadka ee wadanka Liberia ayaa sheegaya in ay sameynayaan shaqa joojin qaran iyadoo oo uu cudurka Ebola uu sii faafayo.

Ururada shaqaalaha caafimaadka ayaa waxa ay doonayaan in loo kordhiyo gunooyinka ay bishii qaataan howlwadeenada daweynaya dadka uu ku dhaco Ebola.

Shaqaalaha caafimaadka ayaa sidoo kale doonaya qalab dheeraad ah oo ay kaga gaashaantaan cudurka Ebola iyo in ay ceymis helaan.

Ilaa iyo hadda 95 shaqaale caafimaad ah ayaa ugu dhintay cudurka Ebola waddanka Liberia.

Dowladda ayaa sheegeysa heerka uu hadda cudurka Ebola marayo awgeed, aanay bixin karin lacagihii ay horay ula meel dhigtay shaqaalaha caafimaadka ee ay khatarta kasoo wejahdo cudurkan.

Robbie McIntyre, waxa uu ka tirsan yahay hay'ada Save the Children ee caasimada Monrovia. Waxa uu sheegayaa in carruurta ay yihiin kuwa saameynta ugu ba'an uu ka soo gaaray. cudurkan.