Turkiga oo ogolaaday saldhigyadooda

Image caption Saldhigyada Nato ee ku yaala Turkiga.

La taliyaha arrimaha ammaanka ee Maraykanka Susan Rice, ayaa sheegtay in Turkiga uu hadda ogolaaday in ciidamada cirka ee Maraykanka ay isticmaalaan saldhigyadooda Turkiga si loola dagaalo kooxda Daacish.

Iyadoo ka hadlaysa Telefishinka, Ms Rice ayaa soo dhawaysay waxa ay ugu yeertay dadaalka cusub ee Turkiga uu muujinayo oo ay ku jirto isticmaalka saldhiga Incirlik, oo ah boqol iyo lixdan kilometer xuduuda Suuriya.

Turki ayaa ka gaabsanaysay inay bixiso taageero milatari ay ku taageerayso ciidamada Kurdishka ee la dagaalamaya Daacish, sababtoo ah dagaalka waqtiga dheer ee ay kula jirto dadka Kurdishka ee degan waddankeeda.