Yemen oo loo magacaabay Ra'iisalwasaare

Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Ra'iisalwasaaraha cusub ee Yemen Khalid Bahah

Wakiilka Yemen u qaabilsan Qaramada Midoobay Khalid Bahah ayaa loo magacaabay inuu noqdo Ra'iisalwasaaraha Yemen.

Go'aanka ayaa waxaa soo dhaweeyay mucaaradka shiicada ee Xuuti oo bishii hore soo galay magaalo madaxda, ridayna dawladii.

Madaxweynaha Yemen Abdrabu Mansur Hadi ayaa rajaynaya in dagaalyahanada Xuutiga inay ka tagaan magaalo madaxda.

Sanadihii ugu danbeeyay Yemen ayaa aragtay dagaallo ay sababeen awooda oo aan loo sinayn iyo qayraaadka.