Qof UN u shaqaynayay ayaa Germanka Ebola ugu dhintay

Lahaanshaha sawirka Reuters

Qof u shaqaynayay Qaramada Midoobay oo qaaday cudurka Ebola ayaa ku geeriyooday Germanka sida ay wararku shegayaan.

Qofkaas ayaa lagu daweeynayay Isbitaalka Leipzig waxa uu na geeriyooday saacadihii hore ee Talaadada.

Cudurkaasi dilaacay ayaa dilay in kabadan 4,000 oo qof dadkaas oo badankoodu ay ku dhinteen Liberia, Sierra Leone, Guinea iyo Nigeria tan iyo bishii saddexaad ee sanadkan.

Hay'adda caafimaadka adduunka ayaa xanuunkan ku tilmaantay 'halistii ugu xumayd caafimad ee la arko taariikhda cusub ee adanaha'. Maraykanka iyo UK ayaa ka mid ah wadammada bilaabay in ay dadka kaga baaraan caabuqa Ebola garoomadooda diyaaradaha.