Kim Jong-un oo fagaare lagu arkay

Lahaanshaha sawirka
Image caption inkasta oo la isla dhex marayay in uu xanuunsan yahay xaalad caafimaad qab ayaa ka muuqata

Hogaamiyaha Waqooyiga Kuuriya Kim Jong-un ayaa meel fagaare ah lagu arkay tan iyo 3 bishii September, arintaasna waxaa sheegtay wakaaladda wararka ee wadankaasi.

Wakaladdaas oo lagu magacaabo KCNA ayaa sheegtay maanta in Madaxwayne Kim uu hagitaan ama tilmaamo ku sameeyay, goob cusub oo loo dhisay in ay deegaan ahaan ka dhigtaan saymisyahanada wadankaasi.

Wargayska maalinlaha ah ee Rodong Sinmun ayaa soo bandhigay sawiro kala duwan oo muujinaya Kim Jong-un oo bukoorad cuskanaya intii uu dhexlugaynayay dhismahaasi.

Arkitaan la aanta la arki waayay 32 jirkaasi ayaa dhalisay shiki baahsan oo ku saabsan caafimaad qab kiisa.

Dadka wax faaleeya qaarkood waxa ay sheegeen in Kim uu ku dhacay xanuun cagaha hoose ku dhaca ama misik ay xanuunayso. Kuwo kalana waxa ayba shaki galiyeen in uuba wadanka xukumo.