Obama: Waa in laga hortagaa Ebola

Lahaanshaha sawirka Getty
Image caption Madaxweynaha wadanka Mareykanka Barack Obama

Madaxweynaha Mareykanka Barack Obama ayaa ku baaqay in jawaab deg deg ah oo xooggan laga bixiyo cudurka Ebola ee hadda caalamka walwalka ku haya.

Obama iyo madaxda dalalka Britain, Faransiiska, Jarmalka iyo Talyaaniga ayaa ku heshiiyay in ay kawada shaqeeyaan sidii loo heli lahaa taageero ballaaran oo ay dalal badan kula dagaallamaan cudurka Ebola ee Galbeedka Afrika.

Madaxweyne Obama ayaa sheegay in uu ka codsaday xarunta ka hortaga cudurada ee dalkiisa in ay gacan ka geysato dardar gelinta baaritaanka cudurka.

Xilli sii horreeyayna, Mareykanka ayaa xaqiijiyay in kalkaaliso labaad oo ku sugan gobolka Texas uu ku dhacay cudurka, kaddib markii ay daweysay nin Liberia u dhashay oo markii dambe cudurkaasi u dhintay.

Balse Obama ayaa sheegaya in khatarta uu cudurka ku hayo bulshada ay weli heer hoose tahay.

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan