Mareykanka oo ka digay weerar ka dhaca Addis Ababa

Image caption Al-Shabaab ayaa laga saaray inta badan koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Dawladda Mareykanka ayaa ka digtay in kooxda Islaamiyiinta Al-Shabaab ay qorsheynayaan in ay weerar ka fuliyaan caasimadda Itoobiya ee Addis Ababa.

War qoraal ah oo ka soo bAxay safaaradda mareykanka ee Itoobiya ayaa ka digay in Al-shabaab ay maleegayaan weerer ay ku qadaan degamda Bole oo ay ku yaalaan safaaradaha shisheeye iyo garoon caalami ah.

Ciidamada Itoobiya ayaa gudaha Soomaaliya kula dagaalamaya Al-shabaab iyga oo qeyb ka ah ciidamada midowga africa.

Al-shabaab ayaa laga saaray dhammaan magaalooyinka waaweyn ee Soomaaliya inkastoo ay wali maamulaan dhul ballaaran oo u badan tuulooyin.

Magaaladii u dambeysay ee ka baxda gacanta Al-Shabaab ayaa waxa ay ahady magaalada Barawe, halkaasi oo xarun u ahayd inta badan madaxda kooxdani.

Billowgii bishii September ayaa duqeymo uu mareykanka ka geystay gudaha Soomaaliya waxa uu ku dilay hoggaamiyihii Al-Shabaab Axmed Godane, waxaana ilaa iyo xilligaasi jiray cabsi ah in Al-Shabaab ay weerar ku qaado danaha mareykanka iyo waddamada kale ee xulufada la ah.