Sierra Leone oo Ebola koox u sameysay

Madaxweynaha Sierra Leone, Ernest Bai Koroma, ayaa magacaabay koox cusub oo jawaab qaran ah oo la tacaasha faafidda xanuunka Ebola kaas oo dalka ku dilay boqol ilaa labo boqol oo ruux.

Kooxda cusub ma hoos tagi doonaan wasiirka caafimaadka, waxay toos ugu warin doonaan madaxweyne Koroma. Madaxa cusub, xarunta qaran ee ka jawaabidda Ebola ee dib loo magacaabay, ayaa ah wasiirkii hore ee difaaca, Major Alfred Palo Conteh.

Hadalka ka soo baxay madaxweynaha ayaa sheegay in isbadalka uu lagama maarmaan ahaa sababtoo ah qadarta shaqo ee loo baahan si loo lala tacaalo faafidda Ebola ee Sieera Leone.