WHO oo lagu dhaleeceeyay jawaabteeda Ebola

Lahaanshaha sawirka
Image caption Ka hortaga cudurka Ebola

Hay’adda caafimaadka adduunka ee magaceeda loo soo gaabiyo WHO, ayaa sheegeysa in ay baaritaan ku sameyneyso qaabka ay u wajahday xasarada ka dhalatay cudurka Ebola, balse aanay taa dhci doonin ilaa iyo inta laga xakameynayo faafida cudurka dilaaga ah.

Warkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay sii kordheyso dhaleeceynta loo jeedinayo WHO ee ku aaddan tallaabooyinka gaabiska ah ee ay ka qaaday faafida cudurka Ebola.

Agaasimaha guud ee WHO ayaa wareysi ay siisay wakaalada wararka ee Bloomberg, waxa ay ku sheegtay in aanay ku faraxsaneyn in saddex bilood kaddib markii uu dilaacay cudurka ay koobaneyd waxa ay ka qabteen.

Waxaan hadda ognahay in cudurka Ebola uu ka bilowday dalka Guinea bishii December ee lasoo dhaafay, balse hay’adda WHO ay xaqiijisay kiiskii ugu horreeyay bishii March.

Hay’adda ayaan kulan xasaasi ah ka yeelan faafida cudurka ilaa iyo bishii June.

Dadka dhaliilaya WHO ayaa sheegaya in ay tahay hay’ad maamulkeedu iska dabalaab badan yahay, uuna aad u yar yahay xiriirka ay sameeyaan xafiisyadeeda Afrika iyo xarunteeda dhexe ee ku taalla Geneva.

WHO ayaa hadda sheegeysa in tirada dadka u dhintay cudurka Ebola ay kor u dhaaftay 4,500 oo qof.

Isabelle Nuttall, oo ah madaxa WHO u qaabilsan diyaargarowga caalamiga ah ayaa rumeysan in qaabka ay hay’addu uga jawaabtay Ebola baaritaan lagu sameyn doono.

WHO ayaa si la mid ah hay’adaha kale ee Qaramada Midoobay waxa haysta dhaqaalo yari. Waxaana macquul ah in hay’addu ay ka baqday in lagu eedeeyo ka badbadin haddii ay la boodi lahayd Ebola, si la mid ah sidii ay qeylo dhaanta uga sameysay hergabka doofaarka ee dilaacay 2009-kii, kaasoo dilay dad aad u tira yar.

Balse Ebola ayaa ah cudur ka halis badan hergabka doofaarka, waxaana ay tahay in laga jawaabo in WHO ay si wanaagsan u maareysay wax ka qabashada cudurkan dilaaga ah.

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan