Xuutiyiinta iyo Sunnida oo Yemen ku dagaalamaya

Dagaalka u dhexeeya shiicada Xuutiyiinta iyo qabaa'ilka sunnida Yemen ayaa sii xoogeystay.

Wararka ayaa sheegaya in ugu yaraan lix iyo toban dagaalamayaal lagu dilay isku dhacyadii ugu dambeeyay ee gobalka Ibb oo ku yaala koonfurta magaalada caasimadda Sanca, taas oo Xuutiyiinta qabsadeen bishii la soo dhaafay.

Jimcihii, ku dhawaad shan iyo toban dagaalamayaal ah, ayaa lagu dilay gobalka kaas oo sunnidu ku badan yihiin. Dagaaalka ayaa kordhiyay wewelka laga qabo in xaaladda amni ee jilicsan ee Yemen ay ku sii dhawaan karto dagaalo kooxeeysi ah.