Madaxweynaha Liberia oo ka digtay Ebola

Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Madaxweynaha Liberia Ellen Johnson Sirleaf ayaa ka digtay qatarta Ebola ee caalamka.

Madaxweynaha Liberia, Ellen Johnson Sirleaf, ayaa ka digtay dhammaan da'yarta Africa inay qatar ugu jiraan inay ku lumaan masiibo dhaqaale oo ay sababtay cudurka Ebola, iyadoo dalag aanan la helin, suuqyada iyo xuduudahana ay xirmeen.

Warqad ay BBC-da heshay ayey ku codsatay in dalalka oo dhan ay ka kaalmeeyaan la dagaalnka faafidda Ebola, waxayna sheegtay in dunida oo dhan ay tahay inay daneyso dagaalka Ebola.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay inay qaadaneyso hab mideysan oo caalami ah oo looga hortago Ebola, taas oo lagu diyaariyay intii uu socday kulan afarta maalin ee ka dhacayay xarunta Ghana ee Accra.