Khilaaf ka jira garsoorka Soomaaliya

Lahaanshaha sawirka
Image caption Gudoomiyaha Maxkamada sare Caydiid ilkoxanaf.

Gollaha Adeegga Garsoorka ee hadda shaqeeya oo uu madax u yahay Gudoomiyaha Maxkamadda Sare ayaa maanta shir jaraa'id oo ay ku qabteen Muqdisho waxa ay kaga horjeesteen go’aanno laga soo saaray shir looga hadlayay garsoorka oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Cadaaladda iyo Dastuurka oo dhawaan Muqdisho lagu soo gabagabeeyay.

Waxa ay sheegeen in hey’adaha waaweyn ee dowladda, sida Fulinta, sharcidajinta iyo garsoorku ay kala madax bannaan yihiin.

Waxaana ay ku doodeen in wasaarad kaliya oo ka tirsan xukuumadda ay sharci ahaan qalad tahay in garsoorka uu hoostago.

Gudoomiyaha Maxkamadda Sare Ceydiid Ilkaxanaf, oo hadalka furay ayaa sheegay in muddoyinkan ay soo badatay in hoteello la isugu geeyo dad aan ehel u aheyn nidaamka caddaalada Soomaaliya, oo ay ka hadlaan Garsoorka waxaana uu ku tilmaamay in dowladnimadu aaney ku socon karin hab NGO oo kale ah.

Wuxuu intaa raaciyay in dastuurka hadda jiraa aanu ku qorneyn wax la yiraahdo Xeer Ilaaliye Qaran balse lagu caddeeyay Garyaqaanka Guud.

Shiikh Abdirahman Xuseen Samatar, oo ka mid ah xubnaha Gollaha Adeegga Garoorka ayaa isaguna sheegay in Soomaaliya maanta ay mareyso marxalad muhiim ah oo ah in la kala doorto garsoor madaxbanaan iyo garsoor xukuumadda u adeega wadadana u xaara.