USA oo Hub u daadinayso Kurdiyiinta

Lahaanshaha sawirka EPA

Diyaaradaha Mareykanka ayaa dusha waxay ugu soo daadiyeen hub iyo saad kale oo miletari, xoogagga kurdiyiinta ee difaacaya Magaalada Kobane.

Pentagon-ka Mareykanka ayaa sheegay in hubka uu ku deeqay maamulka kurdiyiinta ee dalka Ciraaq.

Magaalada Kobane ee ku taala xuduuda u dhaxeysa Suuriya iyo Turkiga ayaa waxa ku gadaaman dagaalyahanada Daacish.

Pentagon-ka Mareykanka waxa uu intaasi ku daray in diyaaradaha Miletariga ay dhowr jeer daadiyeen hubka Miletari.

Afhayeen u hadlay xoogagga kurdiyiinta ee Ciraaq oo la yiraahdo Redur Xelil ayaa sheegay in la filayo in hub kale oo dheeraad ah loo daadiyo kurdiyiinta.

Arrintan ayaa ku soo beegmaysaa maalin kaddib markii madaxweynaha Turkiga, Raccep Tayyip Erdogan, uu uga digay Mareykanka in uu hubeeyo dagaalyahanada Kurdiyiinta.

Turkiga ayaa u muuqda in uu ka walwalsanyahay siyaasada cusub ee Nato ee ku aadan Suuriya, waxa uuna u arkaa Kurdiyiinta ''argigixiso ay tahay in aanan la taageerin''.

Tallaabadan ayaa la sheegayaa in ay tahay mid ka xanaajin karta Turkiga.