Weriyayaal maxkamad la soo taagay

Maxkamadda gobolka Benaadir waxa maanta la horkeenay milkiilihii idaacadda Shebelle Cabdimaalik Yuusuf iyo suxufi ka shaqaynayay idaacaddaasi oo la yiraahdo Axmed Cabdi Xasan.

Xeer ilaallinta qaranka oo soo oogtay dacawadda ka dhanka ah suxufiyiintan ayaa soo bandhigtay eedeymaha ay u haystaan milkiilaha Shabelle.

Hoolka maxkamadda gobolka oo ay soo buux dhaafiyeen eheladda iyo xubnaha urrurada bulshada, xildhibaano iyo siyaasiyiin ayaa la hor keenay milkiilaha warbaahinta shabelle iyo suxufi ka shaqaynayay idaacaddaasi.

Garsooraha maxkamadda Xaashi Cilmi Nuur ayaa labada eedeysanaya weydiiyay in ay galeen danbiga lagu soo eedeeyay wayna iska bari yeeleen dhamaan danbiyada lagu soo oogay iyadoo goobtana ay fadhiyeen qareennadii difaacayay.

Gabagabaddii ayaa gudoomiyaha maxkamadda gobolka Benaadir ahna garsooraha dacwaddan qaadayay ayaa ku dhawaaqay in maxkamadda dib loo dhigay isla markaana damaanad lagu sii daayo Cabdimaalik Yuusuf iyadoo laga reebayo baasabooradda lana dhigayo warqad garoomadda si inta dacwadan ay socoto aanu dalka uga bixin

Dhinaca kale Suxufiga Axmed Cabdi Xasan ayaa xabsiga lagu celiyay maadaama aan isaga dacwadiisa la furin, waxana sidoo kale xabsiga horey ugu sii jiray labo suxufi oo isla kiiskan loo haysto kuwaas oo aan wali maxkamadda la horkeenin.