Sunderlan oo taageerayaasha lacag u celinaysa

Lahaanshaha sawirka All Sport

Taageerayaashii Kooxda Sunderlan ee ka ciyaarta Horyaalka Premier League ee Ingiriiska ee daawaday ciyaartii kooxdooda lagaga badiyay sideed iyo eber oo ay kaga badisay Southampton, sabtidii aan ka soo gudubnay ayay ciyaartaydu u balanqaadeen in ay u celiyaan lacagtii kaga baxday daawashada ciyaartaasi.

Ilaa boqol kun oo doolar ayaa loo celinayaa labadi kun iyo shantii boqol ee taageerayaasha u ahaa.

Taageerihii aan la noqonin lacagtiisa waxaa sadkiisa loogu tabaruci doonaa xarunta xanaanada caruurta ee children's hospice.