Dumar lagu afduuubay Nigeria

Lahaanshaha sawirka AP

Tiro Dumar ah ayaa lagu soo waramayaa in ay afduubteen dad looga shakiyey inay ka tirsanyihiin kooxda Boko Haram, waqooyi bari dalka Nigeria.

Arrintaas waxay ka dhacday laba degaan oo ku yaala gobolka waqooyiga galbeed ee Adamawa.

Xukuumadu weli ma aanay xaqiijin afduubkan, balse dadka degaanka ayaa sheegaya in afduubkan uu dhacay maalin ka dib markii miletariga Nigeria uu sheegay in uu heshiis xabad joojin ah uu la galay Boko Haram.

Dadka degaanka ayaa sheegaya in koox ay weerartay xaafado, waxayna meel isu geeyeen dumarka.

Waxaa aad u adag in warar laga helo degaanada, waana sabata ay waqti badan u qaadatay in la helo wararka ku saabsan weerarkan.

Dowladda Nigeria ayaa rajenaysa in kooxda Boko Haram ay sii deyn doonto in ka badan 200 oo gabdhood oo ay bishii April afduubtay.