wadaad caan ah oo ku geeriyooday Bangaladhesh

Lahaanshaha sawirka focus bangla
Image caption madaxii hore ee Jamaat e-Islami

Hogaamiyihii hore ee xisbiga islaamiga ee ugu weyna dalka Bangladesh, Ghulam Azam, ayaa geeriyooday, wuxuuna ahaa 91 jir.

Sanad ka hor, waxaa lagu helay dembi dagaal waxaana lagu xukumay 90 sano oo xabsi ah.

Waxaana lagu eedeeyay inuu ka dambeeyay xasuuq dhacay intii uu socday dagaalkii xornimada ee 1970-meeyadii.

Ghulam Azam ayaa u dhintay wadne xanuun, wuxuuna xirnaa hal-sano oo ka mid ah 90 ka sano ee lagu xukumay.

Waxa uu ahaa hogaamiyaha Jamaat e-Islami ee Todobaatameeyadii, xilligaas oo Bangaladhesh ay ahayd Bariga Pakistan ayna bilowday dagaal xornimo doon ah.

Islaamiyiintii diidanaa xornimada ayaa la sheegay inay dileen tobannaan qof oo ah aqoonyahano, farshaxanistayaal, iyo weriyayaal taageersanaa madaxbannaanida.

Markii ay Bangaladesh xornimada qaadatay, Ghulam Azzam dalka wadanka ayuu isaga baxay.

1990kii, ayuu dib ugu noqday masraxa siyaasadda. Shan sano ka hor, haweeneyda lagu magacaabo Sheikh Hasina ayaa noqotay hogaamiyaha dalkaasi, waxa ayna ballan qaaday in dadkii galay dembiyada dagaalka cadaaladda la horgayn doono.

Xarigga Ghulam Azzam ayaa noqday lama huraan.