Yurub oo heshiis taariikhi ah galay

Lahaanshaha sawirka AP
Image caption Madaxda Qaaradda Yurub

Hogaamiyeyaasha Midawga Yurub ee ku shiraya magaalada Brussels, ayaa lagu soo waramayaa in ay ku heshiiyeen arrin taariikhi ah oo ku saabsan wasakayta hawada.

Iyaga oo balan qaaday in ay hoos u dhigayaan wasakhaynta hawada boqolkiiba afartan meesha lagu gaaro labada kun iyo soddonka taas oo looga qiyaasqaadanayo sidii ay ahayd kun sagaal boqol iyo sagaashankii (1990).

Madaxwaynaha xilka banaynaya ee Yurub, Jose Manuel Barroso, ayaa shir jaraaid ka sheegay in hiigsashadaasi ay tahay han wayni laakiin laga midho dhalin karo.