Caabuqa Ebola ayaa lagu arkay wadanka Mali

Lahaanshaha sawirka Reuters

Dowladda Mali ayaa ku dhawaaqday kiiskii ugu horeeyay ee Ebola ee dalkeeda lagu arko.

Gabadh laba-sano jir ah ayaa laga helay caabuqa, waxaana hadda lagu daweynayaa galbeedka dalkaasi.

Gabadhan yar ayaa dhowaan soo gaartay dalka Mali, waxayna ka tka soo gashay dalka ay jaarka yihiin ee Guinea - oo ka mid ah seddaxda dal ee xuddunta u ah Ebola.

Waxaa loo qaaday magaalada Kaay ee galbeedka Mali, kaddib markii ay xanuunsatay.

Dhiig laga qaaday gabadhan ayaa lagu soo baaray caasimadda dalkaasi ee Bamako, oo 600km u jirta meesha lagu dabiibayo.

Dowladda Mali ayaa shaaca ka qaaday in natiijada baaritaanka ay ka soo baxday in gabadha uu ku jiro jirkeeda caabuqa Ebola, waxaan arrintaasi looga dhawaaqay TV-ga qaranka.

Isbuucii hore Mali waxaa tagay dhaqaatiir ka socotay WHO, oo qiimeyn ku sameeyay sida dalkaasi ugu diyaargaroobay ka hortagga Ebola.

Mali ayaa xuduud la leh seddaxda dal ee cudurka uu ku dhuftay ee Guinea, Sierra Leone iyo Liberia, waxayna feejignaan heersare ah uga jirtaa kiiskas Ebola ah oo dibadda kaga yimaada.