Pakistan iyo Iiraan oo israsaaseeyay

Lahaanshaha sawirka i
Image caption Soohdinta u dhexeysa Pakistan iyo Iiraan

Ciidammada Pakistan iyo kuwa Iiraan ayaa rasaas isku weydaarsaday soohdinta ay wadaagaan, gaar ahaan gobolka Balochistan.

Sarkaal u hadlay Pakistan ayaa sheegay in ciidammada Iiraan ay lix hoobiye ku rideen ciidammada Pakistan ee soohdinta ku sugan, ayna ka jawaab celiyeen duqeyntaasi.

Waa dhacdadii ugu dambeysay ee ay labada dhinac rasaas isku weydaarsadaan.

Todobaadkii lasoo dhaafay, Pakistan ayaa sheegtay in mid ka mid ah askarteeda uu ku dhintay, saddex kalana ay ku dhaawacmeen rasaas ay fureen ciidammada Iiraan ee ilaalada ka haya soohdintooda.

Iiraan ayaa Pakistan ku eedeyso in ay joojin wayday weerarrada gudaha dalkeeda ay kasoo qaadaan mintidiinta Sunniyiinta ah, kuwaas oo dilal ka geysta gudaha Iiraan.