WHO oo cudurka Ebola tallaal u sameynayso

Image caption Ebola-Mali

Hay'adda caafimaadka aduunka ee WHO ayaa dajisay qorshe lagu sameynayo laguna gaarsiinayo talaalka tijaabada ah ee cudurka Ebola wadammada Galbeedka Afrika.

Kaaliyaha Agaasimaha Guud ee hay'adda WHO, Marie-Paule Kieny, ayaa ku sheegtay shir jaraaid oo ay ku qabatay Geneva in ilaa iyo 200,000 oo kuuro oo dawadaasi ah ay suuragal tahay in la isticmaalo bartamaha sanadka 2015.

Dr Kieny ayaa xaqiijisay in laba talaal lagu tijaabiyay bani'aadamka halka shan kalana la hagaajiyay.

Waxa ay sheegtay in talaalkan uusan ahayn mid si dag dag ah caafimaad ku keenayo, balse markii uu diyaar noqdo, ay suuragal tahay in qeyb muhiim ah uu ka ciyaaro xakameynta cudurka.