Labo jirkii Caabuqa Ebola qabtay oo geeriyootay

Lahaanshaha sawirka Reuters

Dowladda Mali ayaa xaqiijisay in gabar 2-sano jir ahayd oo uu ku dhacay Ebola ay dhimatay.

Gabardha ayaa ka soo safartay dalka Guinea, waxayna la socotay ayeeyeed xilligii lagu arkayay calaamadaha cudurka.

Wa kiiskii ugu horeeyay ee Ebola ee lagu arko dalka Mali. Waxaa la aaminsan yahay in Hooyadeed ay cudurka ugu dhimatay dalka Guinea oo ah mid ka mid ah dalalka uu sida xun u saameeyay xanuunku. Ayeydeed oo ka qeyb-gashay duugta ama aaska, ayaa markii dambe gabadhan yar u soo kaxeysay dalka Mali.

Safar 700-mile ah oo ay gashay gabadhan ayaa soo raacday gawaarida dad weynaha ayaa walaac aad u ballaaran abuuray.

Sankeeda dhiig ayaa ka socday markii gabadha lageeynayay Isbitaalka, WHO ayaa sheegtay in ay suura-gal tahay in gabadhu ay dad badan ay qaadsiisay caabuqa. In kabadan afartan qof oo ay ku jiraan 10-shaqaale caafimaad ayaa la baaray.

Balse baadi goobka dad kale oo laga yaabo in bukaanta jirkoodu ay taabteen xilligii ay safarka ku jirtay ayaa caqabad noqon karta.

Kiiskan lagu arkay Mali layaab malahan, sababtoo ah xuduudaha gobolka ayaa weli isufuran, waana caadi in ay qoysasku isaga gudbaan labo dal.

Si kastaba ha ahaatee dalalka galbeedka afrika ayaa feejignaan sare ku jira, dalalka uusan Ebola saameynina isha ayay ku hayaan inay ogaadaan kiiskaste xilli hore ayna xakameeyaan faafidda cudurka.