Samantha Power oo booqanaysa G. Afrika

Lahaanshaha sawirka AFP

Wakiilka Qaramada Midoobe u fadhida Mareykanka, Samantha Power ayaa booqanaysa Saddex waddan oo ku yaala Galbeedka Afrika kuwaas oo la tacaalaya cudurka Ebola.

Wadammadaas oo kala ah Guinea, Liberia iyo Sierra Leone ayaa ah waddamada uu faraha ba’an ku hayo cudurka.

Samantha Power waxay sheegtay in ay ku dadaali doonto sidii loo heli lahaa taageero dheeraad ah oo caalami ah si wax looga qabto mushkiladda ka dhalatay cudurkan.

Waxay noqonaysaa sarkaalkii ugu sareeyey ee ila haatan booqda Galbeedka Afrika si wax looga qabto Ebola.

Mareykanka Ciidan gaaraya afar kun ayuu u dirayaa Galbeedka Afrika. Qaar ka mid ayaa gaaray dalka Liberia.

Hay’adda caafimaadka Aduunka ee WHO ayaa sheegaysa in kiisaska la diiwaan-geliyey ee dadka uu ku dhacay cudurka ay kor u dhaafayso toban kun oo qof.

Waxa cudurka u dhintay ku dhowaad shan kun oo qof. Dalka Mali ayaa noqday waddankii ugu dambeeyey ee qof uu ugu dhinto cudurkan.

WHO ayaa sidoo kale tijaabinaysa talaal la doonayo in looga hortago faafida cudurka.