Masar: 23 lagu xukumay xarig

Lahaanshaha sawirka AP
Image caption Sanaa Seif oo la xukumay saddex sanno iyo walaalkeed oo sugaya xarig.

Maxkamad dalka Masar ayaa ku xukuntay 23 qof oo ololeeya saddex sanno oo xarig ah, iyadoo lagu eedeeyay inay jabiyeen sharciga banaanbaxa.

Dadka la xiray waxaa ka mid ah Yara Sallam iyo Sanca Seif oo ah dad u ololeeya xuquuqda rayadka.

Waxaa jira cabasho badan oo ku saabsan xayiraada xoriyada rayidka tan iyo intii madaxweyne Cabdul Fattax al Sisi uu xukunka qabsaday sanadkii hore.

Sharciga banaanbaxa ayaa dhigaya in laga qaato ogolaansho dowladda markii toban qof wixii ka badan ay qabanayaan banaanbax.

Dadka la xukumay ayaa lagu haystaa inay qabteen banaanbax sharci daro ah 21-dii June, iyagoo doonayay in la sii daayo dadka xiran iyo in la baabi'iyo sharciga banaanbaxa.

Waxaa sidoo kale lagu ganaaxay $1,400.

Sanaa Seif waa gabar uu dhalay Axmed Seif al Islam, oo ah qareen xuquuqda rayadka oo dhintay bishii August.

Amnesty International ayaa sheegtay in Yara Sallam, oo ah qareen aysan xitaa ka qaybgalin banaanbaxa lagu xiray.

Madaxweynihii hore ee Maraykanka Jimmy Carter, ayaa dhawaan xiray xafiiskiisii Qaahira ee kormeerka doorooshooyinka, isagoo ka muujiyay shaki in dimoqraadiyad ay Masar u gudubto.

Markii xukunka laga qaaday madaxweyne Moxamed Morsi 2013-kii banaanbax kadib, milatariga ayaa bilaabay inay xiraan taageerayaasha Morsi, iyo dadka kale ee u ololeeya dimoqraadiyada.