Doorasho ka dhacaysa Dalka Tunisia

Doorasho barlamaani ah ayaa ka bilaabatay dalka Tunisia. Waa doorashdii ugu horaysay oo dalkaasi laga qabto ku dhowaad afar sano kaddib markii uu dhacay kacdoonkii xukunka looga tuuray Madaxweynihii hore Zine el-Abidine Ben Ali.

Kacdoonkaas ayaa waxa uu horseeday kacdoono ka dhacay dunida carabta.

Shan milyan oo qof ayaa u diiwaan-gashan in ay codkooda dhiibtaan, waxayna kala doorayaan in ka badan boqol oo xisbi.

Afhayeen u hadlay guddiga doorashada ayaa sheegay in goobaha codbixinta ay ilaalin doonaan ciidanka.

Doorashadan ayaa waxa lagu salaynayaa dastuur cusub oo ay Tunisia yeelatay dhowaan.

Doorashada madaxweynanimo ayaa waxa la qaban doonaa bisha soo socota.