Jordan oo u digtay Israel

Lahaanshaha sawirka AP
Image caption Israel ayaa sii wada guryaha ay ka dhisanayso dhulka ay ka haysato Falastiniyiinta.

Jordan ayaa u digtay Israel in heshiiskii nabada ee u dhaxeeyay labada wadan inuu qatar ku jiro dhismaha ay Israel ka sii wado dhulka ay ka haysato Falastiiniyiinta awgeed.

Munaasabad lagu xusayay sanadguuradii labaatanaad ee heshiiskii nabada ee labada wadan, ayaa safiirka Urdun ee Israel, Walid Obeidat, uu sheegay in heshiiska uu qatar ku jiro hadii isbadal lagu sameeyo meelaha muhiimka u ah diinta ee Jerusalem.

Wuxuu ka hadlayay talaabooyin ay isku dayayaan Israeliyiinta mayalka adag inay ku badalaan fagaaraha u dhow masaajidka Al Aqsa, si loogu ogolaado dadka Yuhuuda inay ku tukadaan.