Dibadbaxyo ka dhacaya Burkina Faso

Tobanaan kun oo qof ayaa ku mudaaharaadaya caasimadda dalka Burkina Faso ee Ouagadougou, waxa ayna ka soo horjeedaan in isbadal lagu sameeyo dastuurka si madaxweynaha dalkaasi loogu ogaaldo in uu xilka sii haya shan sano oo kale.

Ciidamada ammaanka ayaa u adeegsaday dibadbaxayaasha sunta dadka ka ilmeysiisa iyagoo socod ku marayay baarlamaanka.

Madaxweynaha dalkaasi Blaise Compaoré ayaa xilka la wareegay sandii 1987-dii.

Isagoo dhawaan wareysi siiyay BBC-da, ayuu u sheegay in uu mowqifkaasi qaatay isagoo ku howlgalaya danaha qaranka Burkina Faso.