Nigeria oo wadahadal la wada Boko Haram

Afhayeenka madaxtooyada Nigeria ayaa sheegay wadahadalada ay la lahaayeen Boko Haram ay socdaan.

Labo todobaad ka hor, ayey dowladda sheegtay in lagu heshiiyay xabad joojin, balse ma jirin wax war ah oo ka soo baxay Boko Haram iyadoo weerarada waqooyiga Nigeria ay socdaan. In badan oo reer Nigeria ah ma rumeysna sheegashada dowladda.

Labo gabdhood oo Chibok ay ku afduubteen kooxda mayalka adag labo todobaad ka hor ayaa haatan xor ah, inakstoo waxa keenay aysan cadeyn. Eedada labada gabdhood ayaa heshay warka iyadoo ku jirto tabin BBC-da magaalada caasimadda Abuja.